qora sare c/fitaax yare
MURAGADII JECEYLKA MAXAA KEENAY RAFAADKA?
Q.1aad
Magaalada jawigeedu waa mid degan waxaa dhacaya saxan saxo udgoon badan dhulka oo dhami waxaa ceegaaga xareyt dhirta oo dhami waa cagaar, xooluna dhogartooda waa mid cadiiman.maalintuna waa maalin farxadeed waa maalin dadka oo dhami ay wada ciidaayaan waxaa bilatay bishii Arafo wadadu waxaa loo marayaa xeyn xeyn caruurtuna waxay u diyaar garoowayaan farxadii ciida,
caruurta ku nool degaanka ayaa waxay ka dhawaajinaayaan bastooladoodii iyo firinbigoodii, ladan waxay ku soo toostay qeyladii caruurta waxayna u soo baxday guriga dibadiisa.
ladan oo jiifkii raaxada badnaa ka soo toostay durbadiiba waxay la soo booday”alla maanta hawadu neecaaw qaboowaa” waxaa indho raxmad leh ku soo eegay baashi oo xilligaas dariiqa maraayay wuxuuna iskula hadlay alla ma hurdo ayaan ku jiraa mise waan soo jeedaa qofkan dhoola cadeyneysa ma biniaadam baa. Mise?ladan baa ayadoo la yaaban qofka kan aan libarsaneynin hadana indho aan raxmad lahayn ku eegaayo baa ayadoo is hayn la’tiri walaalo yaa kaa soo lumay? markaas ayuu canduftii intuu dib u liqay hadana yiri ma..ma..maya abaayo waxba waxba intay qosol aad u raxmad badan qososhay ayay ku tiri. maya walaalo caadi matihid ma waxaad tahay qof magaalada ku cusub?aah aah walaashey waxaan ka xumahay in aanan ahayd qof miir qaba , maxaa yeelay qof adiga ku arkay maa noqonaaya qof caafimaadkiisa uu fiican yahay.
Intay ladan isku bogtay ayay isheyn kari weyday markaas bey waxay ku tiri walaalo hadii aan gef kaa galay raali iga noqo qalad ayaan filayaa inuu iga dhacay. Waxaana wanaagsan walaalo¦ maxaad la shig shigtay abaayo maad hadashid ayuu baashi la soo booday asagoo aad mooday in uu sugaayay waxyaabo uu daneeynaayo in ay u soo wado, maya walaalo wax kale maaha, ladan¦ladan baa ley yiraahdaa, ¦aahh..aaahh waah waah waxaasaa hee magac ku cajibiya ah baashi barasho wanaagsan ayuu sii raaciyay,is barasho ka dib waxay yeesheen balamo ay doonaayaan in ay mar kale kulmaan maadaama midaani ay tahay barasho deg deg ah.
Ladan qolkeedii jiifka ayay dib ugu laabatay waxayna gashay isla hadal nafteeda ah. Alla axadkani muxuu ahaa?¦. xagee ayuu ka yimid? Dhowr su’aalo ka dib ayaa waxaa ilinka soo garaacday saaxiibadeed faaiza.
Alla waa tuma?soo dhaaf ayay u sii raacisay, faaiza waxay soo gashay qolkii ay saaxiibadeed ku jirtay waxayna ku tiri saaxiib maxaad xiligaan la jiiftaa?, aaway qorshihii iskuulka ee aan imtixaanaadka ku diyaarin lahayn, ladan baa ka soo booday sariirtii ay ku jiiftay, saaxiibey hadii aan wax kuu sheego waad tacajibeysaa, alla maad Iiraahdid ii sheeg, faaiza ayaa waxay la soo booday ma bixitaan yurub ah ayaa kuu soo baxay? Miskiin faaiza intaas inaad ka aqli badan tahay baan kuu heystay maxaa yeelay bixid iyo yurub un bey kaaga cadahay marka hore I weydii, faaiza ayadoo hadalkeeda sii wadato ayay ku iri. ma lacag ayay walaashaa kuu soo dirtay?,, aah aaahh walaalo sideen ayaan wax kuugu sheegaa ayay ladan oo aad moodo in ay xanaaqday ku tiri saaxiibadeeda faaiza. Maya waxaanba la yaabanay anigoo kugu ogaa in aad tahay gabar jecel wax barashada in aad heyso wax aanan loo baahneen, ladan aad ayay uga carootay saaxiibadeeda,waxayna ku laabatay jiifkeedii dhabarka ayayna soo xejisay.
Faaiza oo dareentay in saaxiibadeed ay ka yara xanaaqday ayay si deg deg ah u dul timid waxayna ku tiri saaxiib kun iyo koow jeer iga raali noqo u jeedadeyda ma ahayn in aan saaxiibadey ka xanaajiyo. Balse hadii aad ii aragay saaxiib xun in aan ahay ka raali noqo ee maxaa dhacay oo kugu soo korday ii sheeg?..
ladan ee aad moodo in ay neefi ku dheganeyd ka soo fuqday ayay waxay mar qur ah la soo booday, saaxiib saaaxiiiib waan ku jeclahay walaahina waxaa tahay saaxiibadeydii aan jeclahay waxaan kugu saaxiibay ayay waxay ahaydba garashadaadii abaayo wax kale maaha ee waxay uga warantay ladan saaxiibadeeda ayada iyo wiilka ay isbarteen ee la yiraahdo baashi.
Faaiiza waxay ku maqan tahay saaxiibadeeda sida farxada leh oo ay ugu sheekeyneyso. Waxayna ka koobineysaa hadalkeedii. Haye haye saaxiib waan kuu hambalyeynaayaa nolosha cusub ee kugu soo biirtay ayay faaiza ku tiri saaxiibadeeda. Haa saaxiib aniga hadii aanan waxba kuu sheeganin yaan wax u sheeganaa ayay ladan saaxiibadeed ku tiri. Waa yaab nin wax u cad yahay miyaan wax kale usheegi karaa ayay faaiza iskula hadashay. Sida roon rabiyaa og aniga waxaan ugu imid iyo waxay iila timid ayaaba waxay tahay kuwa aan islahayn. Ladan farxadeeda waa ay sii korortay talow waa sidee baashiÃ
Murugadii jaceylka maxaa keenay rafaadka.
Qaybtii 2aad.Tallow baashi xaaladiisu siday bay ahayd?, Baashi asagoo neef tuuraayo ayuu wuxuu soo gaaray aqlkiisii illinkii guriga ayuu waxa uu u garaacay si of aan miir lagu arkin Iga fura albaabka maxaad ii dhageysaneysaan, Ageeyo faadumo oo waayeel ah ayaa xilligaas gurigii ku sugneed, ayeeyo awood uma laha si deg deg ah inay ku deg degto furitaanka albaabka, ayadoo soo tugsaneysa oraneysana,’bismillaaahi bismilaahi yaa weeye qofka sida tan albaabka u garaacaya, alla ayeeyo ma adiga unbaa guriga ku sugan, Baashi waa uu la socdaa in guriga ay kuwada nool yihiin hooyadiis, ayeeyadiis, iyo asaga oo kaliga balse waxaa ka awood badiyay nolosha cusub ee ku soo biirtay nafsadiisa.
Baashi waxa uu ka dhashay reer aad u sabool ah aabihiis asagoo yar ayuu ifka ka tagay waxaa nolosha u dabarta hooyadiis waxayna ka shaqeysataa hadba siday nolosha maalintaas ay u dabari karto, waxay aroortii hore ku wareegataa xaafadaha ayadoo ku dhawaaqeysa ‘yaa rabo dhar dhaqid iyo guryo nadiifin’ ayadoo aad u taalan ayay ku soo laabataa guriga ka dib ayaa waxaa la barakeystaa wax alla waxay soo hesho.
Baashi waa wiil jecel in uu la saan qaado asaagiisa, niyadiisa maba ku jirto reerkaaga waa sabool iwm ahba. Laakiin markaan waxaa fara kulul ku haya dooqii uu kula kulmay dariiqa, Markii ay ayeeyadiis alaabka ka furtay wuxuu si toos ah u abaaray sariirtiisii asagoo xiran kabihii iyo labiskuu kala yimid magaalada, aaaaaaaH aaaaaH ‘maxay ahayd qofu aan soo arkay ee aan jeclaystay alla dooqeyga fiicnaan badanaayeey.
Baashi waxa uu isla hadlaaba waa uu daalay waqtigii goor uu ku dhamaaday ayuuba garan waayay, waxaa si deg deg ah qolkiisii ugu soo gashay hooyadiisa canbaro, Alla hooyo ma xiligaad imaan jirtay miyaaba la gaaray, Hooyo Canbaro oo la fajacan sida uu udhaqmaayo wiilkeeda ayay mar un la soo booday ‘ wiilkeyga ma sidaan ayaa kaa daacad ah waa maxay sida aad tahay labiskii iyo kabihii ayaad la jiifsatay sariirta ma waxaan kugu tilmaami karaa inaad miir qabto.
Hooyo Hooyo maya maya aniga waan caafimaad qabaa hooyo macaanto xoogaa madaxa unbaa magaalada buuqeeda iga soo xanuujiyay mooyee sida kale waan kuu wanaagsanahay ayuu baashi hooyadiis ku qanciyay,Baashi aaway howshaan kaaga bartay ayay hooyo canbaro wiilkeeda ku tiri, Hooyo iga raali noqo anigaa hada kuu dedejinaaya, Baashi hooyadiis gacan yar ayuu u yahay ileyn caruur aan asaga ahayn ma dhalin inta ay ku maqan tahay raadinta nolol maalmeedka asaga ayaa maamula ayeeyo iyo gurigaba hooyo Canbaro markay ku soo dhowdahay guriga waxa uu u sii shidaa dabkii lagu Karin lahaa cunadii, Hooyo waakan wax waliba waan diyaariyay ee caawa hooyooy madaxa ayaa I yara xanuunaayo waxaana rabaa inaan seexdo hooyo I fasax ii ogolow in aan jiifsado.
Pidaas ayuu baashi uga codsaday hooyadiis hooyo canbaro waa beer wax dhalay si degan ayay uha aqbashay waxayna ku tiri Waa yahay hooyo seexo. Hooyo canbaro feker iyo isla hadal ayay gashay waxay aad ula yaaban tahay dabeecada cusub oo ay wiilkeeda ku aragtay.’tallow maxaa la soo darsay ee uu qarsanaayaa maya sidaan kuma wanaagsana wiilkeyga
Muragadii jacaylka Maxaa keenay Rafaadka!!
qeybti 3aad
Taloow maxaa la soo darsay maya sidaan kuma wanaagsansa wiilkeeyga, hooyo Cambaro waxa ay isla hadashaaba waxaa hadaladeedii dhageysaneysay ayeeyo Faaduno aya hal mar ayey waxa ay ka soo booday gogashii ay ku fadhiday,
Hooyo gabadheyda cuudubileeyso wiilkaaga Baashi la yirrahdo anigaaba mar hore ka yaabay waxaanba u maleynayaa in uu isticmaalo wax yaabaha la sheeg sheego ee daroogada la yiraahdo in uu cunay.
Yaah hooyo maxaad tiri ma dhab baa ayey cambaro la soo booday ileen waa beer wax dhalay, ayeeyo Faadumo ayada oo hadalkeedii sii wadata ayey waxa ay sii raacisay dhab miyaa gabadheyda inta aad oraneyso waxba kuuma hagaagayaan ee adiga is weydii dabeecadahaan miyuu lahaan jiray wiilkaada.
Qof aan waxba ogeyn allahayoow ha cadaabin ayeyo Faadumo iyo Hooyo Cambaro waxaan loo joogin ayey ka faaloonanayaan baashina daren jacayl ayaa galay, Hooyo Cambaro waxa ay diyaarisay waxa ayna u yeertay wiilkeedii Baashi Hooyo macaan toos oo ina keen aanu wada cashaynee, Baashi wacitaanlka Hoyadii waxa uu moodaa mid ri’yo ah, Hooyo Cambaro waxa ay ku cel celisaa wicitaanka wiilkeeda balse Baashi waxa uu ku dhex jiraa mowjad Jacayl, Alla waa cajaa’ib maxaa helay wiilka oo ma sidaan ayaaba ka daacad ah ereyadaa waxaa ku calaacashay hooyo Cambaro iyada oo la yaaban xaalka uu ku sugan yahay wiilkeeda.
Baashi !! Baashi !! Hooyo waa maxay xanuunka ku helay halkeese lagaaga badan yahay , Baashi oo mar qura ka soo aruuray sariirta waxa uuna isha la helay hooyadii oo dul taagan, waxa uu maraamaray indhihiisii misena waa hooyadii, isaga oo dhafakaarsan ayuu waxa uu ku hadaaqay ina mari hooyo aynu wada casheynee, hooyo cambaro oo la yaaban xaalkaan cusub ee la soo dersay wiilkeeda ayey waxa ay u jiheysteen xagii ay ku diyaarsaneyd cashada.
Faa’iza farxadii iyo balantii Baashi ayey waxa ay u sugeeysaa sidii in loogu bishaareeyey janada, Faa’iza waa gabar ka dhalatay qoys ladan oo qani ah islamarkaana keli ku ah aabaheed, Faa’iza waa gabar dheer oo aad u qurux badan,indho waa weyn leh, qoor dheer,iyo timo madow oo aad u dheer gaarayana ilaa dhabarka hoose.
Aabe Jaamac waa Aabe jacel gabadhiisa waxa uuna aad ugu dadaalaa sidii ay u noqon laheyd mid ka hor marta asaageed,wuxuuna mar walba ku dadaalaa inuu ka dhigto labo saaxiib oo kale Aabe jaamac waxa uu isku diyaariyay miiskii qadada ka dib markii cuntadiyoo dhan la soo diyaariyay ayuu wuxuu u yeeray gabadhiisa faaiza Faaiza faaiza aabe kaalay aynu wada casheynee faaizo ayadoo cago jiideyso ayay waxay u timid aabaheed aabe aniga ma casheyn karaayo,ayay ku tiri yaah yaah aabe maxaa ku helay ayuu la soo boobay aabe jaamac la soco todobaadka dambe.
Muragadii Jaceylka maxaa keenay rafaadka
Qeybtii 4-aad
Faaiza ayadoo caga jiidaysa ayay waxay u timid Aabaheed, Waxayna ku tiri. Aabe aniga ma casheyn karaayo,,,,. Yaah yaah,,,
Aabe maxaa ku helay gabadheyda ee aad u cunteen ladahay ayuu ku yiri,.Faaiza madaxa ayey hoos galisay oo waxa haaya waa uu ku cusub yahay xishoodna waa ay u sii dheer tahay si ay wax u sheegto magaraneeyso . Aabe waan yara xanuun sanahay ayey Faaiza ugu war celisay Aabaheed.
Aabe Jaamaca asagoo ku fekeraaya xaalada la soo daristay gabadhiisa ayuu wuxuu ku yiri Aabe Faaiza maxaan kuu qabtaa ina keen dhaqtar aan kuu kaxeeyee.
Faaiza xanuun ku dhegan oo ay dhaqter ay ku ogolaan kareeyso ma jirto hal mar ayey soo booday aabe aabe maya maya in aan yara jiifsado un baan doonayaa.
Aabe Jaamac waa uu ka ogalaaday in ay jiifsato Aabe waa tahay orod iska seexo ilaahay caafimaad ha ku siiyee. Waxa uu fekeraaba waa uu garan la;yahay meesha laga haayo inantiisa feker ka dib jaamac waxa uu u yeeray Xaliimo Xaliimo iga hor qaad qashadaani ma cuni karaayo ayuu jaamac ku yiri gabadha guriga uga shaqeysa,tollow waa sidee bal aan soo fiirsho ayuu iskula hadlay.
Jaamac si kadis ahna waxa uu u soo galay qolkii ay ku jirtay Faaiza durbadiiba waxa uu indhaha ku dhuftay faaiza oo dhabanada gacmaha ku heysa fekereysana,intuu isheyn kari waayay ayuu waxa uu yiri gabadheyda gabadheyda faaiza maxaa maxaa kugu dhacay, waa ay naxday Faaiza meel loogaga yimid ayayba garan weyday markaas ayay tiri aabe aabe waxba waxba iguma dhicin imtixaanaadka sanadkan ayaan ku fekeraayaa sidaan ku heli lahaa kaalinta koowaad ee dugsiga.
Inta uu qoslay aabe jaamac ayuu waxa uu ku yiri gabadhiisa ‘aabe waa tahay wax waliba ayagu ayaa imaanaaya halkii loogu tala galay ee kaalay ka soo dul kac sariirta aad saran tahay’ Faaiza oo garan la waxa ay abaheeda ku qancin lahayd ayay soo raacday.
Muragadii Jacaylka maxaa keenay rafaadka…
Qaybtii 5-aad
Faa’isa oo garan la’a waxa ay aabaheed ku qancin lahay ayey soo raacday ayada oo caga jiideeysa waxa ayna fadhiisteen jardiinka hore ee guriga hortiisa, Aaba jaamac gabadhiisa waxa uu ugu sheekeeyaa xaalada ay hooyadeed iyo Aabaca ay soo wada mareen balse faa’iso ma ahayn mid sheekadaa ay ku socoto.
Aaba Jaamac marka uu arkay sheekada ineysan xiisad u laheyn gabadhiisa ugu sheekeeynayo ayuu waxa uu ku yiri Faa’isa si aan xaaladaada u badalo todobaadka dambe waxa aan u amba baxeeynaa Dubai, Yaaaah Aabe xagee maxaad tiri, Faa’isa naxdin ayey ku noqotay ereyada Aaabaheed ka soo yeeray, talo ayaa ku cadaatay Aaba Jaamac oo filayey in ay Gabadhiisa ku farxi doonto hadaladiisa balse ma aysan noqon taas, Aabe Aabe ma doonayo in aan safro waayo Aabe imtixaanka ayaan doonayaa in aan noqon mid ka gasha kaalinta 1aad ee Aabe naga haki safarkaan deg dega ah.
Aabe Jaamac oo ku maqan gadhiisa isla markaana layaaban intii ay hadleysay ayuu waxa uu ku yiri Aabe hadii aadan wax ka badalin jawiga aad ku jirto wax walba oo daawo kuu ah waan ku dhaqaaqayaa, intaa ka dibna waxa uu Aabe jaamac ku laabtay qolkiisa.
Faa’isa oo wali ku sugan kaabadii ay fadhiyeen iyada iyo Aabaheed ayaa waxa ay bilowday in ay isla hadasho, HAA Waakan Gacaliyaheygii baashina gacan kuma hayo !!!! laakiin waa in aan raadiyaa saaxibadey Ladan si aan ula tashto arrimahaan cusub ee ila soo darsay isla markaana aynu u raadinaa Gacaliyaheeyga.
Faa’isa oo qalab aruursatay ayaa waxa ay cagta la heshay wadadii ay u mari laheyd saaxiibadeeda Ladan, intii ay dariiqa ku sii jirtay ayey meelo badan iska tustay sidii ay u arki laheyd Baashi,
Faa’isa oo isku maqan ayaa waxa ay isa soo hor taagtay aqalkii saaxibadeed Ladan, markii ay u soo gudubtay gudaha guriga ayey waxa ay isha la heshay Ladan oo markaa iyadu daawaneyso TV , “Alla Ladaneey saaxiib ma filim baad daawaneysaa, waad I nacday saaxib miyaa maxaad iigu imaan weysay”.
Ladan oo mar qura ku soo baraarugtay dhawaaqii saaxiibteed Faa’sa ayey isku soo boodeen, “ Abaayo kuma nicin ee waan mashquulay, saaxiib soo fadhiiso.
Ladan iyo Faa’isa oo gacmaha is haysta ayey wada fadhiisteen kuraas markaa halkaa tiilay waxa ayna u guda galeen in ay is wareystaan, sheeko gaaban kadib waxaa lagu soo biyo shubtay waxyaabihii ay kala kulantay Aabaheed, waxaana la isla meel dhigay sidii lagu raadin lahaa Baashi. La soco toddobaadka dambe
JACEYLKU MA DHAB BAA MISE WAA DHALANTEED..?
“Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro” Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo.
Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waa
Dhalanteed? Ma Cudurbaa mise waa.. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay?
Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed.....?
Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. “Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata” Ayuu uurka ka yiraahdaa.
Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan “Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay” Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan “Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray”.
Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa?. Tani maba’aha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, “Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay” uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa “Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale” Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa.
Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene.
Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu ma’ihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:“Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho la’aan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan.
Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:“Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta” Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa “Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa” goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba ma’ahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEH Sidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aamisni jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba.
Abdifatah

|